Maxaa Ka Jira In Xiisad La Xidhiidha Doorashada Ay Ka Taagan Tahay Magaalada Garoowe?

Baraha Bulshada ayaa waxaa lagu faafiyey warar sheegayay in Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ay ka jirto xiisad la xiriirta Arrimaha doorashooyinka, hayeeshee Maamulka Puntland ayaa Warkaas ka hadlay.

Duqa Magaalada Garoowe Axmed Saciid Muuse ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin xiisad la xiriirta doorashada oo ka taagan Garoowe, isla markaana been abuur ay yihiin wararka lagu faafiyey Baraha Bulshada, laguna doonayo in dadka lagu Jahwareeriyo.
Axmed Saciid oo la hadlay warbaahin ka howlgasha Puntland ayaa u sheegay in wax dhibaato aysan ka jirin Caasimadda Maamulka oo xaaladdu degan tahay, wuxuuna dadka faafiyey wararka ugu baaqay inay ka waan-tooban arrintaas.

“Waxaan dadweynaha u xaqiijinaya in aysan jirin wararka been abuurka ah ee baraha bulshada lagu faafiyay, wax dhibaato ah kama jirto Caasimadda, dadka wararkaas faafinaya haka waan-toobeen” ayuu yiri Duqa Garoowe Axmed Saciid Muuse.

Maanta oo sabti ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Garoowe ka dhacdo doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana doorashada ay tahay mid lasii ogyahay dadka kusoo baxaya.

Related posts

Golaha Deegaanka Degmada Lughaya Oo Maanta La Doortay Maayir Iyo Maayir Ku Xigeen

Bnnstaff Bnnstaff

Aare Sulayman Oo Muddo Ku Xidhaa Gabilay Oo Maanta Dib Helay Xoriyadiisa

Bnnstaff Bnnstaff

“Nin Ku Xidhnaa Fal Argagixisanimo Oo Diiday In Uu Xabsiga Ka Baxo Iyo Sababta

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More