Mareykanka Oo Gargaar Milateri Gaadhsiiyay Ukraine, Xilli Ay Cirka Isku Shareertay Xiisadu

Shixnaddii ugu horraysay ee gargaar milateri oo uu Mareykanku ansixiyay ayaa waxa ay gaartay magaalada Kyiv ee caasimadda waddanka Ukraine, kaddib ballanqaad cusub oo maamulka Madaxweyne Biden sheegay inuu dalkaasi ku siin doono gargaar milateri.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Kyiv ayaa sheegtay in shixnaddan ay ka koobneyd sagaashan tan oo ay ugu yeertay gargaar halis ah, oo ay ku jiraan rasaasta loogu talagalay ciidamada jiidda hore ee Ukraine. Moscow ayaa boqol kun oo askari soo dhoobtay xadka Ukraine.
Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa xilli wadahadallo cad oo aanan waxba la isu qarin ay yeesheen Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareyanka iyo dhiggiisa Ruushka, sidoo kalana ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay ciidammada faraha badan ee uu Ruushku soo tubay xadka waddanka Ukraine.

Dhanka kale Madaxweyne Joe Biden ayaa Sabtida iyo Axadda waxa uu Xarunta Camp David kulan kulan qaadan doonaa kooxdiisa ammaanka qaranka iyagoo ka wada xaajoon doona xiisadaha u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka ee salka ku haya arrinta Ukraine.

Related posts

Xisbiyada Mucaaridka Dalka Itoobiya Oo Shaaciyay Jirtaanka Wax Isdaba Marin Ka Jirta Doorashada

Bnnstaff Bnnstaff

Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Shaaciyay Xilga Ay Qaadasha Kaadhka Cudbixinta Ka Bilaabmayso Gobolada Sool,Sanaag Iyo Saaxil

Bnnstaff Bnnstaff

“Waa Diyaar Raggii I Bedeli Lahaa,wakhtigii Aan Shaqadda Ka Nasan Lahaa Ayaa La Gaadhay” Prof Saleebaan

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More