Madaxweyne Trump Oo Booqday Goobaha Uu Dabka Ka Kacay Ee Gobolka California

Madaxweyne Trump oo meesha ka saaray walaaca laga muujiyay dhibaatada isbedelka cimilada xilli uu booqday goobaha dabka uu ka hurayo ee gobolka California, waxaa uu saraakiisha maxaliga ah u sheegay in dabka uu soo qaboobayo.

Dabka ka kacay gobolada California, Oregon iyo Washington ayaa baabi’iyay dhul badan kaas oo ay ku naf-waayeen ugu yeraan 36 ruux tan iyo horaanta bishii August ee sanadkan.

Dadka naqdiya siyaasadda Trump ayaa sheegay in sababta dabka soo cel celisay ay tahay maamul xumo dhanka keymaha ah.

Isniintii, musharaxa xisbiga demoqraadiga Joe Biden ayaa madaxweyne Trump ku sifeeyay ” uga sii daraha isbedelka cimilada”.

Gobolka California ayaa ah halka uu sida weyn u saameeyay dabka iyadoo 25 ruux ugu geeriyoodeen dabkaasi.

Waaxda qaran ee cimilada ayaa digniin adag ka soo saartay dabka in uu saameyn karo gobolo kale ee Mareykanka.

Affartii sano ee madaxweyne Trump uu xafiiska jooga waxaa soo laa laabtay gubashada keymaha gobolo badan ee Mareykanka ah.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Sheikh Idiri “Qatar Iyo Imaaraadku Somalia Waxay Ku Maalgashadaan Ganacsato Siyaasadeed

Bnnstaff Bnnstaff

Cuqaasha Iyo Wax Garadka Mid Ka Mid Beelaha Dega Puntland Oo Fariin U Diray Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Dalka Kenya Oo Lagu Eedeeyay Tacadiyo Kala Duwan Oo Ay Gaysteen Xiligii Bandooga Corona Virus

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More