Maxeey ka wadahadleen wafdikii ka socday Faransiiska ee soo gaaray Muqdisho iyo Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa caawa Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Yurub iyo Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Faransiiska, kaas oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Christophe Bigot.

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah iyo xoojinta iskaashiga wadar geesoodka ah ee labada dal, waxaana ay si gaar ah kulankooda diiradda ugu saareen iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Christophe Bigot, iyo Wafdiga uu hogaaminayay ayaa ugu danbeeyn uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kusoo dhaweeyay Muqdisho.

Related posts

“Siyaasiyiinta Somaliya Markii Ay Ku Adkaato Ayay Gargaar Soo Doontaan..” Wasiir Cali Mareexaan

Bnnstaff Bnnstaff

Malleyshiyaad Diidan In Kursiga Hope30 Loo Xiro Xil. Jeesow Oo Baladweyne Gadood Ka Samameeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Haayada Caafimaad Aduunka Ee Who Oo Ka Digtay Qaadida Xayiraadaha Covid 19

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More