Qalbi Dhagax Miyuu Cafiyay Dowladda Soomaaliya Ka Dib Go’aankii Shalay Ee Goalaha Wasiirada?

Waxaa kulan ay shalay yeesheen Golaha Wasiirrada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen in laga laabto go’aan ay horay gaareen Golaha Xukuumaddii Xassan Cali Khayre ugu aqoonsatay ururka ONLF urur agagixiso ah.

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka hadlay go’aankii shalay ee Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo go’aanka ay dowladda Soomaaliya ururka ONLF uga saartay liiska argagixisada.

Isagoo u muuqda in uu weli tabasho qabo, ayuu dhanka kale muujiyay inuu ku faraxsan yahay go’aanka kasoo baxay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Dambiga umadda Soomaaliyeed laga galayo waa laga xisaabtamayaa laakiin waan ku qanacsanahay go’aanka soo baxay ee ay gaareen xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha. Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay waxaana u diyaar garoobeynaa xaflado waaweyn oo aan arrintaas ugu dabaaldegno,” ayuu yiri.

Qalbi Dhagax waxa uu muddo dheer ka mid ahaa jabhadda ONLF, xilal kala duwan ayuuna kasoo qabtay, xilkii ugu dambeeyey ee uu ka hayay waxa uu ahaa hoggaanka arrimaha gudaha iyo xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ugu awoodda badan jabhadda sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan ONLF.

Sidaasi darteed wuxuu noqonayaa xubinkii ugu sarreeyay ee ONLF ka tirsan oo u gacangala Itoobiya, balse ma ahan kan kaliya ee Soomaaliya gudaheeda inta laga qabto loo wareejiyo Itoobiya.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya Iyo Qatar Oo Kulan Ka Yeeshay Xidhiidhka Labada Dal

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Somaliya Oo Shaacisay In Aan Marnaba Aan La Aqbali Doonin In La Kala Diro Haayadaha Dowlada

Bnnstaff Bnnstaff

Hadii Aynu Nidhaa Cid Walba Xidhi Mayno, Noqon Mayno” Saleeban Cali Koore Oo Ka Hadlay Xadhiga Wariye Coldoon

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More