Dagaal Culus Oo Markale Ka Qarxay Deegaanada Waqooyiga Dalka Itoobiya

Maamul gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya, ayaa ku eedeeyey ciidamada gobolka ay dariska yihiin ee Tigreega iney weeraro horleh kusoo qaadeen dhulkooda.

Maamulku wuxuu intaa ku darey in Tigreegu qabsadeen magaalooyinka Magaale iyo Abala, ayna halkaasi ku dhaawacmeen tiro badan oo shacab ah.
Tigreega ayaa iyaguna dhankooda ku eedeeyey maamulka Canfarta iyo dowladda Eritrea-yaba iney iyagu bilaabeen marka koowaad dagaalka.

Shaqaalaha gargaarka, ayaa sheegay in rabshaduhu ay ka hor istaageen 27 baabuur oo sida cunno gargaar oo degdeg ah, kuwaasoo lagu wadey iney gaaraan gobolka Tigreega.

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in cunno qeybintu ay mareyso heerkii ugu hooseeyey abid ee gobolka, iyadoo boqolaal kun oo qof ay kunool yihiin xaalad macaluul ah.

 

Related posts

Sirdoonka Ruushka Oo Dilay Gabadh Muslin Ah Oo Loogu Oo Magac Daray Wadooyinka Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Somaliland Oo Jawaab Adag u Diray Somaliya Baaqna u Diray Shacbiga

Bnnstaff Bnnstaff

Haayada Dhawrista Tayada Gobolka Saaxil Oo Gubtay Sharaab Wakhtigiisu Dhacay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More