Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Iyo Dhiggiisa Norway Oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta oo Talaado ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway Marwo Anniken Huitfeldt.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Norway, iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, horumarinta iyo guud ahaan arrimaha muhiimka u ah danaha Labada Dal.

Sidoo kale, waxaa wada hadalka diirradda lagu saaray arrimaha Gobolka Geeska Afrika iyo adkaynta xiriirka wadar geesoodka ah ee Labada Dowladood. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey dowladda Norway taageerada ay u fidiso Soomaaliya.

Related posts

Shacabka Magaalada Muqdisho Ka Dareen Celiyay Guusha Ay Somaliya Ka Gaadhay Kiiskii Bada

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiyada Ucid Iyo Wadani Oo Xukumada u Gudbiyeey Codsi Ku Saabsan In Ay Dalka Mudaharaad Ka Sameeyaan

Bnnstaff Bnnstaff

Maayirka Hargeysa Oo Sheegay In Uu Sameeyay Xafiis Gaar Ah Oo Lagu Diiwaan Galin Doono Dadkii Dadku Hantidooda Burburiyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More