Faah Faahin Kasoo Baxeysa Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

Burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay deegaan ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo caan ka ahaa gudaha Cape-town, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.

Muwaadinka la dilay oo Ganacsade ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cadde Xasan Cadaan, waxaana dilkiisa loo adeegsaday rasaas, xili uu marayay deegaanka Philipi oo ka tirsan Magaalada Cape-town.
Marxuum Cadde Xasan ayaa waxaa la sheegay inuu gaari ku wareejin jiray Rooti, si looga Ganacsado ama looga iibsado, isla markaana waxaa uu u geeriyooday weerar loo adeegsaday rasaas oo ay ku qaadeen burcad hubeysa oo dooneysay inay dhacaan..

Booliska Koonfur Afrika ayaa la tilmaamay inay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay Muwaadinka Soomaaliyeed, waxaana la rumeysan yahay in wax natiijo ah kasoo bixin doonin baaritaanka ay wadaan Booliska.

Si kastaba Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa sidaan oo kale horey loogu dilay gudaha Magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afrika, iyadoona bilowga sanadkaan 2022 dalkaas lagu dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lahaa goobo Ganacsi, mana jirto cid iska xil saartay wax ka qabashada falalka loo geysanayo Soomaalida.

 

Related posts

Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Xaalada Colaadeed Ee Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya Oo Midowga Yurub Kala Hadashay Xoojinta Taageerada Ciidamada

Bnnstaff Bnnstaff

Kenya :- Maxkamada Xukun Ku Riday Eedaysanayaal Loo Haystay Weerarkii Waste Gate 2013kii

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More