Raysal Wasaare Rooble Oo Safar Ugu Ambabaxay Dalka Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo ay qeyb ka yihiin Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka sii sagootiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar)

Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad ka helay madaxda Imaaraadka Carabta, isaga oo kulammo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeelan doona madaxda sare ee dalkaas.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Imaaraadka ayaa noqonaya kii u horreeyay oo Mas’uul heerkiisu sareeyo oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda ku tago dalkaas, tan iyo sanadkii 2018, xilligaasoo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyr safar ku tagay, iyadoo dhowr todobaad kaddibna uu xiriirka labada dal uu u xumaaday sababo la xiriira dhacdadii Ciidamada Amniga kula wareegeen lacag mallaayin dollar ah oo u socotay Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.

Safarkaan Imaaraadka ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa daba socda kadib markii horraantii bishan uu Imaaraadka Carabta ka raalli geliyay dhacdadii lacagta loogala wareegay, isagoo balanqaaday in dib loogu celin doono lacagta lagala wareegay April sanadkii 2018. Tallaabadaas ayaa irdaha u furtay inuu dib caadi ku soo laabto xiriirkii labada dal.

Related posts

Kacaankii Masar Waxa Uu Ka Bilaabmay Ruudhi Sicir Bararkeenuna Waxa Uu Soo Gaadhay…”Xildhibaan Guruuje

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Oo Soo Bandhigay Xashiishad Ay Soo Qabteen

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Shaaciyay In Tobobar Loo Furi Doono Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More