Puntland Oo Maanta Xukun Ku Riday Nin Dilay Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada PMPF

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo khamiis ah xukun dil toogasho ah ku riday Nin lagu eedeeyay inuu dil u geystay Sarkaal ka tirsan Ciidamada hay’adda PMPF ee Puntland.

Eedeysane Maxamed Cabduqaadir Muuse (Af-dheere) ayey Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku riday xukunka, kaasi oo loo heysto inuu Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku dilay Marxuum Bootaan Cawl oo ka tirsanaa PMPF.
Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa heshay caddeeymo muujinaya in Maxamed Cabduqaadir Muuse uu dilay Bootaan Cawl, isla markaana dalbatay in lagu rido xukun dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuumka.

Allaha u naxariistee Bootaan Cawl oo ka tirsanaa Ciidamada hay’adda PMPF ee Puntland ayaa waxaa 30-kii bisha September ee sanadkii hore 2021 lagu dilay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Puntland, xili habeen ah.

Xukunka lagu riday Eedeysane Maxamed Af-dheere ayaa ku beegantay, iyada oo maalmo kahor Maxkamadda Ciidamada Puntland xukuno isugu jiray dil toogasho ah iyo xabsi ku riday rag dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay inay dilal ka geysteen Magaalada Gaalkacyo.

Related posts

Laacabka Khadka Dhexe Ee Kooxda Manchester United Greenwood Oo Loo Xidhay Kiis Kufsi Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka Gobolka Awdal Ka Hadlay Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha Fariin Culusna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

“Dowlad Kasta Oo Nasoo Fara Galisaa Waa Ku khasaari Doontaa Ama Ha Ahaato Kenya Ama Ethiopia” Raysal Wasaare Ku Xigeen Mahdi Guuleed

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More