AKHRISO: Xogtii Ugu Dambeysay Ee Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya

Doorashada xildhibaanada golaha Shacabka ayaa ka socota inta badan caasimadda maamul goboleedyadda, waxaana soo baxay xildhibaano cusub oo kusoo biiri donna golaha Shacabka xilli qaarkood aan la shaacin tartanka kuraastooda.

Guud ahaan kuraasta la doortay ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa gaaraya 101 Mudane, waxaana dhiman 174 oo mudane kuwaasoo intooda badan ay kuraastoodu taallo meelo ka baxsan caasimadda maamul goboleedyadda ama magaalada labaad ee doorashada loo asteeyay.

Doorashada gobollada Waqooyi ayaa hoggaaminaysa in ay tahay meesha ugu badan ee lagu doortay xildhibaanada golaha Shacabka, waxaana taalla 46 kursi waxaa la doortay 28 Mudane, Siddeed kursi waa Dumar.

Maamulka Koonfur Galbeed waxaa taalla 69 kursi waxaa la doortay 24 Mudane, todobo kursi ayaa dumar ah

Jubbaland waxaa taalla 43 kursi waxaa la doortay 15 ka mid ah, labo xubnood ayaa dumar ah.

Puntland waxaa taalla 37 waxaa la doortay 15 xildhibaan, waxaa dumar ah Afar kursi

Galmudug waxaa taalla 37 waxaa la doortay 13 Xildhibaan hal kursi ayaa dumar ah.

Kuraasta beellaha banaaniga wali waxba lagama dooran.

Hirshabeelle waxaa taalla 38 waxaa la doortay 6 kursi Xildhibaan Saddex kursi ayaa dumar ah.

Wali ma jirto magaalo ka baxsan caasimadda maamulada oo doorashada ay ka bilaabatay waxaana wali ka socota, marka laga reebo maamulka Koonfur galbeed oo shaaciyay in dhawaan uu qaban doono doorashada 13 oo lagu dooran doono Magaalada Baraawe.

Waqtigii ay ku heshiiyeen golaha wadatashiga qaran in lasoo afjaro doorashada xildhibaanada golaha Shacabka ayaa ku eg 25-ka bishaan waxaa ka dhiman 20 maalmood.

Related posts

Puntland Oo Sheegtay Inay U Gurmanayso Dadku Ku Hanti Beelay Dabkii Suuqa Waaheen Ee Magaalada Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

“Somaliya Waxa Ay Ku Jirtaa Marxalada Siyaasadeed Oo Adag” Madaxwayne Deni

Bnnstaff Bnnstaff

Xuutiyiinta Dalka Yemen Oo Weerar Gantaalo Ah Ku Qaaday Sacuudiga Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More