Midowga Yurub Oo Cunaqabatayn Ku Soo Rogay Shan Hoggaamiye Oo Ka Tirsan Milatariga Dalka Mali

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay xayiraad dhanka socdaalka ah iyo xayiraad dhanka hantida ah ku soo rogeen shan sarkaal oo Mali ka tirsan, oo ay ku jiraan taliyayaal sare oo militari oo qaaday afgambiga sannadkii hore – kuwaas oo qayb ka ah hoggaamiyihii milatariga Assimi Goïta ee gudaha.

Arrintan ayaa lagu dhawaaqay kadib markii ciidamada milateriga ay ka baxeen balan qaad ahaa in bishan la qaban doono doorasho, taas bedelkeedana ay dib u dhac ku yimid afar sano.

Shantu waa:

Choguel Kokalla Maïga, ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah

Col Malick Diaw, madaxweynaha golaha ku meel gaadhka

Col Ismaël Wagué, wasiirka dib u heshiisiinta – iyo ninkii ku dhawaaqay afgambiga Ogosto 2020

Adama Ben Diarra, oo sidoo kale loo yaqaan “Ben le Cerveau”

Ibrahim Ikassa Maïga, oo ah xubin rayid ah oo ka tirsan dowladda ku meel gaarka ah.

Xidhiidhka u dhexeeya EU iyo Mali ayaa hoos u dhacay, waxaana qayb ahaan sabab u ah afgambigii labaad ee dalkaas ka dhacay tan iyo 2020 iyo go’aanka Mali ay ku shaqaalaysiisay qandaraasleyaal amni oo Ruush ah.

Waddamada Yurub oo uu ku jiro Faransiiska ayaa ka fikiraya in ay kala baxaan ciidamada ku jira cutubka dagaalka kula jira kooxaha Islaamiyiinta ah.

Bishii hore, ururka Ecowas ee gobolka ayaa cunaqabatayn kusoo rogay Mali, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la xayiro hantida dalkaas ee bangiyada ganacsiga ee dalalka xubnaha ka ah iyo in la joojiyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee aan muhiimka ahayn.

Related posts

Ciidanka Maamulka Puntland Oo Dagaal La Galay Kooxda Daacish Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dagaalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Masuuliyiinta Jaamacadaha Ku Yaalada Magaalada Borama Kulan Wada Qaatay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

Gudida Dhexdhexaadinta Mucaaridka Iyo Xukuumada Somaliland Oo Hadashay. Una Jawaabtay Gudoomiyaha G/Maroodi Jeex

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More