Borama News Network

Madaxweynaha Uganda oo Kampala ka daah-furay Salaam Bank oo ah bankigii ugu horreeyay ee Islaami ah

Xafiiska madaxweynaha Uganda ayaa shaaciyay in laan ka tirsan Bankiga Salaam ee fadhigiisu yahay dalka Jabuuti Arbacadii laga daahfuray dalka Uganda, iyada oo bankigan uu yahay hay’ad maaliyadeed oo waafaqsan shareeca Islaamka, sida uu shaaciyay xafiiska Yoweri Museveni.

Daah-furka howlaha Bankiga Salam Bank Limited waxa ay daba socotaa sharci sannadkii hore fasaxaya adeegyada bangiyada Islaamiga ah ee Uganda.

Bankiyada Islaamku waxa ay raacaan mabaadi’da diinta Islaamka, sida mamnuucida bixinta dulsaarka iyo sidoo kale ka fogaanshaha maalgashiga hawlaha qaarkood sida khamaarka oo kale.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ka qeybgalay xafladda furitaanka bangigan oo ka dhacday caasimadda Kampala, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Muslimiinta, oo 14% ka ah shacabka Uganda, ayaa in muddo ah ka cabanayey in bangiyada Uganda aysan haysan wax soo saar shareecada waafaqsan.

Hoggaanka iyo masuuliyiinta muslimiinta Uganda, ayaa u ololeynayay in la sameeyo sharci bangiyada Islaamka ah, si loo dhiirigeliyo hay’adaha bangiyada Islaamiga ah ee laga yaabo inay dalka ku soo dhiirradaan.

Ibrahim Cabdiraxmaan, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Bankigan, ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in bangiga cusub uu bixin karo shaqo waafaqsan shareecada oo ay dowladda Uganda ka faa’iideysan karto, si kor loogu qaado raasumaalka mashaariicda kaabayaasha.

Related posts

Ethiopian Airlines Oo Sheegtay Wixii Ay Hawada Kala Kulantay Sabtidii Iyo In Ay ‘Isku Dhici Gaadheen’ Qatar Airways

Abdiaziz Bnnstaff

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo La Sheegay In Jareen Mid Ka Mid Ah Xadhkahiin Internetka Ee Bada Casa Marayay

Abdiaziz Bnnstaff

Muxuu Yahaya Mawqifka Urur Siyaasadeedka Kaah Ee Ku Saabsan Heshiiska Badda Ee Somaliland Iyo Itoobiya?

Abdiaziz Bnnstaff