Shir Madaxeedka Midowga Afrika Oo Ka Furmay Addis Ababa Iyo Qodobada Lagaga Hadlaayo

Waxaa Goordhaw ka furmay Shir madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa iyadoo Ajandayaasha ugu horeeyaan ay yihiin Afgambiyada Military ee Qaarada ee faraha ka baxay iyo in Israa’iil la siiyo maqaamka xubin goobjooge ah ururka waxaana qodobkaan durba ku kala qaybsan dowladaha Afrika.

Hogaamiyayaasha Afrika ayaa sidoo kale ka doodi doona wax ka qabashada masiibada COVID-19.

Shir madaxeedka ka dhacaya caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa sidoo kale la filayaa in taageero loogu ururiyo sidii Afrika ay u heli lahayd matalaadda joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ururka Midowga Afrika oo bisha July u dabaaldagaya sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay aas aaskiisa, ayaa inta badan waxaa lagu dhaleeceeyay is-faham la’aantiisa ku aaddan wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira qaaradda oo ay ku nool yihiin 1.3 bilyan oo qof.

 

Related posts

Maraykanka Oo Duqayn Ku Laayay Kooxaha Shiicada Ee Dalka Ciraaq Iyo Suuriya

Bnnstaff Bnnstaff

“Xalka Siyaasiga Wadada Loo Marayey Ayay Ka Mid Tahay In Wax La Qariyo…” Xildhibaan Guruuje

Bnnstaff Bnnstaff

Toos:- Muuse Biixi Ka Qayb Galay Xaflada Qalinta Jaamacada Burco

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More