Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamo Xiray Waddooyinka Qaar Ee Beledweyne

Ciidamo farabadan ayaa saaka lagu arkayaa waddooyinka qaar ee Magaalada Beledweyne, kuwaas oo joojiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Ciidamada la dhigay Beledweyne ayaa saameyn ku yeeshay Ganacsiga Magaalada, waxaana xiran Goobaha Ganacsiga Magaalada Beledweyne, sida ay Risaala u sheegeen dad ku sugan Beledweyne

Sababta Ciidamada loo dhigay waddooyinka qaar ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe oo ay wehlinayaan Xubno uu kamid yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya ay ku wajahan yihiin Magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale Magaalada Beledweyne waxaa qeyb kaga sugan Ciidamo la magac baxay kacdoonka Gobolka Hiiraan, kuwaas oo siweyn uga soo horjeeda in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu tago Magaalada Beledweyne iyo dadweyne careysan oo xalay waddooyinka qaar ee Beledweyne dhagxaan kujaray.

In kastoo xaaladda Magaalada Beledweyne ay tahay mid degan ayaa hadana waxaa siweyn looga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda iyo Goobaha Ganacsiga qaar oo xiran.

 

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Shaacisay In Laga Hortegay Qaraxyo La Soo Galinyay Magaalada Guriceel

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Riyo Raac ” Shahaado Aan Soo Marin Wasaarada Waxbarashada Oo Aan La Soo Hubin Ma Aqbalayno

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Luuqadii Ugu Adkayd Kula Hadlag Alshabaab fariimo Culusna Bulshada U Diray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More