Maraykanka Oo Sheegay In Uu Helay Xog Cusub Oo Ku Aadan Duulaanka Ruushka Ee Ukraine

Wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa sheegaya in saraakiisha ammaanka ay ka digeen in haddii duulaan toos ah uu Ruushka ku qaado dalka Ukraine uu sababi karo dhimashada dad gaaraya konton kun oo rayid ah.

Siyaasiyiinta ayaa loo gudbiyay xogtii ugu dambeysay ee sirdoonka Mareykanka todobaadkan. Waxaana la sheegay in loo gudbiyay in Ruushka uu boqolkiiba todobaatan uu isku dubba-riday ciidamada looga talagalay duulaanka buuxa ee ka dhanka Ukraine.
Saraakiisha Maraykanku ma aysan keenin caddayn ku saabsan qiimeynta ay sameeyeen. Waxa ayna sheegeen in xogtan ay ku saleeyeen sirdoon balse aysan awoodin in ay faah faahin ka bixiyaan,sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay in aysan garaneyn in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu go’aansaday in uu qaado tallaabadan oo kale, iyaga oo intaa ku daray in weli uu suurtagal yahay in xal diblumaasiyadeed la gaaro.

Related posts

Ilaalada Gaarka Ah Ee Madaxwayne Deni Oo Gaadhay Magaalada Muqdisho+ SAWIRO

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg:- 45 Qof Oo Axmaaro Ah Oo Maanta Nolosha Lagu Gubay Iyo Xaalada Dalka Itoobiyo Oo Cakiran

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Ayaannu Maanta ku Leenahay Laakiin Maalintaas Magacyo Kale Ayaannu Kuugu Yeedhi Doonnaa” Dhalinyaro Hadashay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More