Senegal Oo Ku Guulaysatay Koobka Qaramada Afrika Iyo Aliou Cisse Oo Taariikh Sameeyay

Xulka qaranka Sengal ayaa xalay ku guulaystay koobka Qaramada Afrika markii ugu horraysay tan iyo markii koobkan la billaabay 1957-kii. Waxa ay caawa garoonka Olembe stadium ee caasimadda Yaounde ee dalka Cameroon gool ku laadyo uga adkaadeen xulka Masar oo doonayay oo in ay markii siddeedaad ku guulaystaan koobkan.

Waxay ahayd guul si weyn u ruxday garoonkan lixdanka kun ee qof qaada. Taageeryaal dhowr kun ah oo Senegal u mashxaradayay ayaa sawaxabkooda la moodayay inuu guud ahaan garoonka is qabsaday. Maalmihii ugu danbeeyay taageerayaasha Senegal ee imaanayay dalkan waa ay sii badanayeen maalinba maalinta ka danbeysa.

Cayaarta ayaa waqti dheeri ah lagu daray, kadib markii labada dhinac ay is mari waayeen,waxaana Rigoore yaal guusha ku qaaday dalka Senegaal, kadib markii gool ku laadkii ugu dambeeyay uu tuuray hoggaamiyaha Xulka Sadio Mane.
Goolhayaha Masar Gabaski oo ilmeynaya ayaa si cagajiid ah u aqbalay abaal-marintiisa ciyaaryahanka ugu wanaagsanaa ciyaarta caawa. Sadio Mane ayaa garoonka lagu arkayay isagoo maslaxaya saaxiibkii Maxamed Saalax.

Waxaa sii batay liiska dalalka ku qoran koobka qaramada Afrika. Dabcan guusha caawa Qaahira waa qalbijab laakin Dakar waa mid looga doogsaday.

Dhanka 2002 Aliou Cissé oo ah macalinka Senegaal ayaa rigoore qasaariyay isagoo kabtan ah si uu finalka AFCON uga adkaado Cameroon, balse Labaatan sano ka dib xalay waxuu Senegal ku hogaamiyay koobkooddii ugu horreeyay Oo ah koobka qaramadda qaaradda Africa, taasi oo noqotay taariikh Cajiib ah.

Related posts

Ex Wasiir Axmed Muumin Seed Oo Ka Hadlay Xilka Qaadistii Uu Madaxwayne Biixi Ku Sameeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Doorashada Mareykanka: Maxaa Ka Hadhsan Ku Dhawaaqista Natiijada?

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladaha Somaliya Iyo Turkiga Oo Ka Wada Hadlay Arimaha Amniga Iyo Dhaqaalaha

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More