Yuusuf Dabageed”Cali Guudlaawe Raalli Ahaanshaha Shacabka Ayuu Baladweyne Ku Tagay”

Madaxweynaha ku Xigeenka Dowlaad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Hagar dabageed ayaa sheegfay in imaatinka Madaxweynaha maamulkaasi ee Baladweyne uu ka yimid Bulshada ku dhaqan Gobolka,xili ay jiraan siyaasiyiin iyo qaybo kale oo ka mid ah Bulshada oo kasoo hor jeeday Cali Guudlaawe.

Yuusuf Dabageed ayaa gaashaanka u daruuray in madaxweynaha dowlad goboleedkaasi xoog lagu geeyay magaalada Baledweyne. Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo u warramay BBCda ayaa sheegay in madaxweyne Cali Guudlaawe uu magaalada u yimid si uu u dhagaysto dadka wax tabanaya, xalna loo gaaro.
Dabageed waxa uu carrabka ku adkeeyay in ciidammada ay xeryahooda ku xaraysan yihiin oo aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in magaalada Baledweyne ay xiran tahay. Hasayeeshee wararka aynu helayno ayaa tibaaxaya in magaaladu ay weli xiran tahay khasaare dhaqaalana uu jiro.

Madaxweynaha mamaulkaasi Cali Guudlaawe ayaa shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Blaadweyne, iyadoo soodhaweyntiisa ay ka qayb qaaten qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka Gobolka.

Related posts

Puntland oo gacanta ku dhigtay maleeshiyaad dilal geystay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Trump Oo Aqbalay Bilaabidda Marxaladdii Xilka Kula Wareegi Lahaa Biden

Bnnstaff Bnnstaff

“Madaxwaynaha Waxaan Leeyahay Kuwa Kugu Hareeraysan Ha Dhegaysan” Axmed Yaasiin Sh Ali Ayaanle

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More