Jadwalka Doorashada Shan Kursi Kamid Ah Golaha Shacabka Oo La Shaaciyay

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Golaha Shacabka ee Gobolada Waqoogi ee loo yaqaano Somaliland ayaa shaaciyay jadwalka Shan kamid ah kuraasta degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi, kuwaas oo lagu dooranayo Magaalada Muqdisho.

Kuraasta Jadwalkooda la shaaciyay ayaa kamid ah kuraas horay guddiga ay u shaaciyeen in doorashadooda la qabanayo, waxaana ay kala yihiin.

1. Hop#240 oo ay hadda ku fadhiso Suri Diiriye Carab.

2. Hop#241 oo uu ku fadhiyo Cabdirisaaq Daahir Maxamed.

3. Hop#263 oo uu ku fadhiyay dhowrkii sano ee la soo dhaafay Muuse Saciid Jaamac

4. Hop#271 oo hadda uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye

5. Hop#205 oo ay ku fadhiso Sahro Cabduqaadir Cabdiraxmaan.

Doorashada Shantaan Kursi ayaa Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ay sheegeen inay dhaceyso 10-ka Bishaan, isla markaana diwaangelinta Musharrixinta la soo geba-gabeyn doobo 9-ka Bishaan.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Golaha Shacabka ee Gobolada Waqoogi ee loo yaqaano Somaliland ayaa horay Magaalada Muqdisho ugu qabtay doorashada Xubno badan oo katirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Related posts

Caasimada Dalka Ukraine Ee Kyiv Oo Uu Gabalku Uga Galay Iyada Oo Ay Dagaalo Culus Ka Socdo

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Oo Kulan La Qaatay Haayadaha Maaliyada Ee Dalka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

“Mooshinkan Waxaa Ku Jira Ajandayaal Lagu Wiiqayo Dib u Xorreynta Dalka, ” Xildhibaan CC Warsame

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More