Gudoomiye Cumar Filish Oo Dadka Muqdisho Uga Digay Isticmaalka Maandooriyaha

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay doorka ay dhallinyarada ku lee yihiin ololaha ciribtirka Maandooriyaha.

Munaasabadan oo ka dhacday xarunta aqalka Dowlada hoose ee Xamar ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal dhallinyara ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo goobta lagu soo bandhigay Muuqaalo ka turjumayay howlgalda ay ciidanka Boliiska ka fuliyeen Caasimadda kaas oo lagu soo qabtay Daraagis kala duwan iyo dadkii ka ganacsanayay ololahaas oo si xoogan haatan uga socda degmooyinka Muqdisho.

Dhanka kale Hobolada fanka ee Dalmar Yare, Xuseen Nuuriyoo iyo kooxda Banaadir Band ayaa soo bandhigay suugaan kala duwan oo ka hadlayey dhibootinka gurcan ee laga dhaxlo Maandooriyaha iyo doorka dhallinyarada kaga aadan la dagaalankiisa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo munaasabada ka hadlay ayaa tilmaamay in dhallinyarada Caasimadda ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo xasiloonida magaalada islamarkaana ay muhiim tahay ka qeyb qaadashada la dagaalanka Muqaadaraadka.

Related posts

Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Somaliya Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Faadumo Cali Nagruuma

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg: Ciidanka Somaliland Oo Burco Ku Qabtay Dad Ay Sheegeen In Ay Qarax Fulinayeen

Bnnstaff Bnnstaff

DEG DEG : Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Maanta Ku Dhawaaqeysay Xukunka Dacwadahii Musuq Maasuqa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More