Dhax Gacmeed Maraykanku Leeyahay Oo La Sheegay In Uu Dhulka Ku Soo Dhacayo

Saldhigga caalamiga ah ee hawada sare ee Mareykanka ee (ISS) waxa uu sii shaqayn doonaa ilaa 2030, ka hor inta aanu ku soo dhicin Badweynta Baasifigga horaanta sanadka 2031, sida ay sheegtay haya’adda Nasa.

Warbixin ay soo saartay todobaadkii hore, hay’adda hawada sare ee Maraykanka ee NASA ayaa sheegtay in ISS ay ku burburi doonto dekedda loo yaqaano Point Nemo. Tani waa qaybta ugu fog oo masaafo dheer u jirta meeraha Dhulka.

Dayax gacmeedyo badan oo muddo dheer hawada sare ku maqnaa iyo haraadigooda ayaa burburay, waxaana ka mid ah saldhigga hawada sare uu ku lahaa Ruushka ee Mir sanadkii 2001.

Hay’adda Mareykanka ee Nasa waxa ay sheegtay in mustaqbalka dhow hawlgallada hawada sare ee dhulka ay maamuli doonaan qaybta ganacsiga.

ISS oo ah mashruuc wadajir ah oo ay qeyb ka yhiin 5 hay’adood oo hawada sare ah – ayaa hawada meerayay tan 1998-kii.

In ka badan 3,000 oo daraasadood oo cilmi-baaris ah ayaa lagu sameeyay shaybaarkeeda loo yaqaano Microgravity.

Si kastaba ha ahaatee, waxa kaliya oo la ansixin doonaan in uu shaqeeyo ilaa 2024 islamarkana wixii xilligaasi ka danbeya waxaa ansixinaya dhinacyada ay quseyso.

Hay’adda hawada sare ee Mareykanka ee Nasa waxa ay sheegtay in qorshaha hawlgabka ISS uu calaamad u yahay kala-guurka qaybta ganacsiga ee hawlaha meerayaasha hawada sare.
Sannadkii 2020, Nasa waxay qandaraas siisay shirkadda fadhigeedu yahay Texas oo lagu magacaabo Axiom Space si ay u abuurto ugu yaraan hal goob oo loo isticmaali karo in uu bini’aadamka ku noolaado taasi oo ku xiran ISS.

Waxa kale oo ay siisay lacag saddex shirkadood si ay u horumariyaan qaab-dhismeedka dayax gacmeedyada hawada sare meera.

Hay’adda Nasa ayaa sheegtay in ay doonayso in ay abuurto “dhaqaale ganacsi oo uu Maraykanku hogaamiyo oo degan meerayaasha hawada sare.

Qaybta ganacsigu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah barnaamijka hawada sare ee Maraykanka, iyadoo shirkado gaar loo leeyahay ay masuul ka yihiin keenista duulista iyo xamuulka.

Dayax gacmeedyada Soyuz iyo Progress ayaa sidoo kale la adeegsadaa.

Sida laga soo xigtay Nasa, waxa ay barnaamijkan ku baajinayso lacag dhan $ 1.3 bilyan oo doolar iyada oo shirakdaha gaarka loo leeyahay ay u wareejinayso hawlgallada wareegga hawada sare, lacagtaas oo loo adeegsan karo sahminta hawada sare.

Si kastaba ha ahaatee, balaarintu waxay weli u baahan tahay taageerada saaxiibada caalamiga ah, oo uu ku jiro Ruushka, iyo in la maalgaliyo hay’adda ISS oo uu hadda ansixiyay Congresska Maraykanka ilaa 2024.

Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax bishii Disembar 2021, madaxa barnaamijka hawada sare ee Ruushka, Dmitry Rogozin, ayaa muujiyay sida uu u daneynayo la shaqeynta Nasa sanadka 2024-ka.

Mr Dmitry ayaa sidoo kale cabasho ka muujiyay cunaqabateynta Mareykanka ee ka dhanka ah Ruushka ay saameyneyso waaxda duulimaadyada Ruushka, wuxuuna horey u sheegay in Ruushka uu joojin karo ka qeyb qaadashada barnaamijka ISS haddii aan laga qaadin cunaqabateynta.

Mareykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka ayaa waxay ku hanjabeen in cunaqabateyno dheeraad ah ay ku soo rogi doonaan Ruushka taasi oo la xiriirta xiisadda Ukraine.

Related posts

Alshabaab Oo Saaka Weerar Ku Qaaday Deegaanka Bacaadwayne Ee Gobolka Mudug

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Ciro Oo Gormeer Ku Tegay Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Ceerigaabo

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xiisada Ka Dhex Aloosan Dalalka Sudan Iyo Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More