Diiwaangelinta Musharrixiinta Kuraasta Golaha Shacabka Oo Ka Bilaabaneysa Baraawe

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Baraawe oo ah Caasimadda dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka billaawdaan diiwaangelinta musharrixiinta kuraas kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharixiinta ayaa ka qeyb galeysa doorashada 7 kursi ee ugu horreeyay ee doorashadooda lagu qabanayo degmada Baraawe, kuwaas oo kamid ah 13-ka Kursi oo guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ay shaaciyeen in doorashadooda la qabanayo.
Magaalada Baraawe ayaa waxaa kusii qul qulaya madax kala duwan iyo musharrixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo Maanta kamid noqon doona xubnaha is diiwaangelin doona.

Maalinta Berito oo Arbaco ah ayaa dehmada Baraawe lagu qabanayaa doorashada 7 kursi halka Maalinta xigta ee khamiista la qabanayo doorashada lix kursi oo kamid ah 13-ka kursi ee guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed horay u shaaciyeen.

Related posts

Digtaateerigu Halkaas Ayuu Ka Bilaabmaa Hadii Madaxwaynahu Is Xakamayn Waayana… Cabdi Qaadir Jirde

Bnnstaff Bnnstaff

Israa’iiliyiin Booqday Dalka Imaaraadka Carabta Oo Ay Fadeexad Wayn Kala Kulmeen Hoteeladii Ay Degeen

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiyada Mucaaradku Waxay Marayaan Wadadii Udub” Siyaasi Ramaax Oo Duray Xisbiyada Mucaaridka Kana Hadlay Xaalada Abaarta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More