Somaliland ayaa weftigii ugu cuslaa waxay u dirtay dalka Taywan tan markii ay labada dhanac aasaaseen xidhiidh ka cadhaysiiyay dawladaha Shiinaha iyo Soomaaliya maadaama ayna labada dhicba ayna haysan aqoonsi caalami ah
Saxaafadda dunida ayaa hadal haysa safarka wasiirada Somaliland ee caasimadda Taipei halkaas oo booqasho shan maalmood ah ay ku joogi doonaan, kadib marti qaad ay ka heleen madaxweynaha Taywan.
Safarkan ayaa la sheegay in Taywan ay uga dan leedahay sidii ay kor ugu qaadi lahayd diblomaasiyaddeeda wadamada Afrika , isla markaana Shiinaha u saari lahayd cadaadis caalami ah.