Ex Madaxwayne Trump Oo Lagu Eedeeyey In Uu Baxsaday Waraaqihii Sirta Ahaa Ee Ku Saabsanaa Kulankii Uu La Yeeshay Kim Jong-un

Hay’adda dawladda Maraykanka ee maamusha Kaydinta Xogaha Madaxtooyada ayaa ka codsatay waaxda caddaaladda in ay baadhitaan ku samayeen Donald Trump sidii uu u maamulay waraaqihii rasmiga ahaa ee dawladda.

Madaxweynayaasha Mareykanka waxaa looga baahan yahay sharciga inay ku wareejiyaan dhammaan warqadahooda, dukumeentiyadooda shaqo iyo iimaylkooda ku aaddan Keydka Qaranka.

Balse saraakiisha haayaddan ayaa sheegay in madaxweynihii hore uu si sharci darro ah u jeexjeexay dukumentiyo badan oo muhiim ahaa.
Qaar ka mid ah waxay in dib loo isugu dhajiyo maadaama ay lagama maarmaan ahaayeen.

Waxa kale oo soo baxday in 15 sanduuq oo waraaqo ah oo ay ahayd in Mr Trump uu wareejiyo markii uu ka baxay Aqalka Cad la geeyay gurigiisa oo ku yaalla Florida.

Waxaa ka mid ah warqado u dhexeeyay Mr Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo warqadii xil wareejinta ee madaxweyne Barack Obama.

Mr Trump waxa ay isku dhaceen kaydka qaranka wakhti hore. Waxa uu ku guuldareystay inuu dacweeyo si uu uga hortago in ay wax caddaymo ku wareejiyaan guddiga Congress-ka ee baadhayay rabshadihii 6-dii Janaayo ee US Capitol.
Bayaan uu soo saaray, ayuu Mr Trump ku qiray wadashaqeynta Keydka Qaranka.

“Sifada warbaahinta ay u foolxumaynaya xidhiidhka aan la leeyahay NARA [Maamulka Kaydka Qaranka iyo Diiwaangelinta] waa War Been abuur ah. Waxay ahayd sidaas ay sheegeen sida ka soo horjeedda! Waxay ahayd sharaf weyn in aan la shaqeeyo NARA si ay u caawiso si rasmi ah in loo ilaaliyo Dhaxalka Trump, “ayuu yidhi.

Related posts

Maayirka Magaalada Borama Oo Si Adag Ula Hadlay Ganacsatada Ku Ganacsatada Guryaha Dowlada

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Jabuuti Oo Fuliyey Howlgal Lagu Xidhay 3,000 Qof Iyo Sababta Keentay Hawlgalkaasi

Dowlada Suuriya Oo Sheegtay In Ay Aqoonsadeen Goboladii Ruushku Ka Goostay Dalka Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More