Warkii Ugu Dambeeyay Ee Xiisada Ukraine Iyo Ruushka Iyo Duulaan Lag Cabsi Qabo

La-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay hadda diyaar u yihiin “duulaan milateri oo ballaaran” hadalkaas oo u muuqda in Maraykanka uu ka quustay xal laga gaaro xiisadda taagan.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa tilmaamay in duulaanka Ruushka uu dhici karo ka hor 20-ka bishan.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dalkiisa uusan Ukraine u diri doonin ciidan soo badbaadiya muwaadiniinta Maraykanka, haddii uu Ruushka qaado duulaanka.

Dalal badan ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka baxaan Ukraine, waxaana kamid ah UK, Canada, Netherlands, Latvia, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Jimcihii, Madaxweynaha Maraykanka ayaa kulan qaab muuqaal ah la yeeshay hogaamiyayaasha NATO, waxaana ay isla garteen in cunaqabateyn dhaqaale oo baahsan lagu beegsado Ruushka haddii uu weerarro Ukraine.

Dhanka kale Maraykanka ayaa sheegay in 3,000 oo ciidan dheeraad ah uu u diri doono Poland, kuwaas oo lagu wado inay halkaa gaaraan todobaadka soo socda. Kama dagaallami doonaan Ukraine, balse waxa ay difaaci doonaan dalalka xulafada la ah Maraykanka.

Madaxweyne Biden iyo hogaamiyaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa in maanta ay telefoonka kula hadlaan Madaxweyne Putin.

Xukuumadda Moscow ayaa dalka Belarus ka bilowday dhoolatus milateri oo ballaaran, iyadoo Ukraine ay ku eedaysay Ruushka inoo ka xiran dhanka badda.

Related posts

Dhaqdhaqaaq Ciidan Oo Ka Socda Muqdisho Iyo Ciidamo Ka La In Ay La Wareegeen Goobo Ka Tirsan Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Diblomasiyiin Kenyan Ah Oo Dowlada Somaliya Iyo Taliska Nisa U Soo Jeediyay Eedaymo Culus

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Wacad Ku Maray In Taiwan Ay Difaaci Doonaan Haddii Shiinuhu Weeraro

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More