Maraykanka Oo Qaadacay Mamnuucidda Xijaabka Ee Dalka Hindiya

Dawladda Maraykanka ayaa ka hadashay mamnuucidda xijaabka ee gobolka Karnataka ee koonfurta dalka Hindiya, halkaas oo xijaabka laga mamnuucay gabdhaha muslimiinta ah isla markaana ay ka dhalatay cadho xoogani.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan arimaha diinaha ayaa war uu soo saaray ku sheegay in arintani ay tahay xad-gudub ka dhan ah xuquuqda diimaha ee dunida iyo dalka Hindiyaba.

Cadho aad u xoogan iyo dibad baxyo ayaa ka dhashay kadib markii gobolka Karnataka laga mamnuucay xijaabka, iyadoo muuqaalada iyo sawirada arintan ku saabsani ay dunida qabsadeen.

Hindiya waxa degan dad tiro badan oo kala diimo ah waana mid ka mid ah wadamada dunida ugu diimaha badan.

Related posts

Warbixin:- Somaliland Ma Ka Badbaadi Doontaa Khilaafyo Siyaasaddeed Oo Ay Cagaha La Gasho Bilaha Soo Socda?

Dowlada Jabuuti Oo Hirgalisay Markab Wakhti Kooban Rarka U Kala Qaadi Doono Turkiga Iyo Geeska Africa

Bnnstaff Bnnstaff

Faysal Cali Waraabe Oo Codsi Iyo Fariin Isku Daray Madaxwayne Muuse Biixi

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More