Madaxwayne Qoor Qoor Oo Kulan La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Xildibaanadii Lagu Doortay Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan ujeedkiisu ahaa iscafin iyo dardaaran la qaatay xubno ka mid ah Xildhibaanada dhawaan lagu doortay Dhuusamareeb.

Xildhibaannada uu la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo dhamaantood ku guuleystay Doorashada Golaha Shacabka ee dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Saddexda Xildhibaan ayaa Madaxweynaha Galmudug waxaa ay uga mahad celiyeen dadaalka uu ku bixiyay howlaha doorashooyinka, iyaga oo ugu baaqay in uu sii dardargeliyo doorashada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda in uu Magaalada Dhuusamareeb kula kulmo Xildhibaannada ugu saameynta badan Golaha Shacabka ee dhawaan lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Laba Arrin Ka Dalbaday Baarlamaanada Maamul Goboleedyada

Bnnstaff Bnnstaff

Faysal Cali Waraabe Oo Dhaliilo Culus U Jeediyay Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Kulmiye Oo Koomishanka Doorashooyinka Ku Wareejiyay Murashaxiinta Ku Tartami Doona Golaha Deegaanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More