Dowladda Somalia Oo Ku Dhawaaqday In Lasoo Afjaray Howlgalkii Burcad-Badeeda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee La-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021) ee Maarso 3, 2022.

Xeebaha Soomaaliya ayaa laga aaminsanaa meel halis ah iyadoo aysan jiran warbixin sax ah oo cadeynaysa in ay halis dhanka nabad-geliyaha ah ay ka jirto isu socodka gaadiid Badda ee marin badeedka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Arintan ayaa noqotay mashruuc la buun-buuniyay oo Dowladdo shisheeye ay shaqo ka dhigteen, hase ahaateen maalintii shalay aheyd, ayay Dowladda Soomaaliya u suuragashay in gebi ahaanba la xiro mushruucan sumcad xumadda xambaasanaa muddada dheer.

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan Baale ayaa saacado ka hor Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ka sheegay in guud ahaanba la joojiyay Mashruuc La-dagaalanka Burcad-badeedda, maadaama aysan xeebaha Soomaaliya ka jirin wax Burcad-badeedda ah.

Danjire Abuukar Baale ayaa yiri “shantii sano ee lasoo dhaafay wax weerar Burcad-badeedda ah kama dhicin xeebaha dalkeena sidaas darteed shaqadda howlgal caalamiga ee loogu magacdaray La-dagaalanka Burcad-badeedda waxaa looga faa’iideysan karaa arimo kale oo lagu xoojin karo Dowladnimada Soomaaliya ee taageeradda beesha caalamka”.

Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya ee u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan Baale ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay dadaalka ay bixinayaa Saaxiibadda Soomaaliya si loo gaaro hiigsiga fog.

Related posts

Siyaasi Salaad Cali Jeele Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Madaxda Xisbiyada Madasha Mucaaridka Fariina Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxtooyada Oo Shaacisay Qodobada Ay Ka Wada Hadleen MW Xasan Sheekh Iyo Deni

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Laga Filan Karaa Shirka Bari Loo Balansanyahay Ee Madaxda Somalida+ Arimaha Ku Gadaaman Shirkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More