Borama News Network

Shacabka Turkiga oo maanta u dareeraya codbixinta Doorashada Dowladaha Hoose

Dalka Turkiga waxaa maanta oo Axad ah kuna beegan 31ka Maarso 2024 ka billaabinaya Codbixinta doorashada Dowladaha Hoose waxaana meelaha indhaha lala raacayo kamid ah Magaalada ugu dadka badan ee Istanbul.

Doorashada ayaa ka dhacaysa 81 Gobol waxaana la diyaariyay goobaha codbixinta, adeegyada muhiimka ah ee loo baahan yahay, qalabka loo adeegsanayo Cod bixinta iyo ciidamada ilaalinaya nidaamka kala dambaynta.

Guddoomiyeyaasha Gobollada, Duqa magaalo weliba ay leedahay, Guddoomiyaasha Degmooyinka ilaa Xaafadaha ayay maanta dooranayaan Shacabka Jamhuuriyadda Turkiga iyaga oo ku xulunaya hadba qof weliba kartida uu u leeyahay wax u qabashadooda.

Waxaa lasii saadaalinayaa meelaha ay ku kala adkaan karaan Xisbiga Talada haya ee AK Party iyo axsaabta kale ee Mucaaradka ah ee iskaashanaya iyada oo meelo badan indhaha lagu hayo sida Ankara iyo Izmir oo mucaaradka loo badinayo in ay gacanta ku dhigi doonaaan.

Xisbiga talada Dalka Turkiga haya ee AKP ayaa hardan adag u galaya sidii uu mucaaradka ugu gacan maroojin lahaa Magaalooynka muhiimka ah si ay usii kordhaan codadka guud ahaan Shacabka maanta codaynaya.

Related posts

Koorjoogayasha Calaamiga Ah Ee Doorashadda Somaliland Oo Warbixin Ka soo Saaray Doorashooyinka

Abdiaziz Bnnstaff

Waraysi Dhalinyarada Awdal Waa In Laga Bakhtiiyaa Cajalada Laascaanood” Siyaasi Duuduu

Abdiaziz Bnnstaff

“Itoobiya Xaal Haka Bixiso Aqoonsiga Ay Sheegtay Inay Siinayso Somaliland..” Caaqil Cumar

Abdiaziz Bnnstaff