Hir-Shabeelle Oo Guddi Baaris u Saartay Dilkii Taliyihii Booliska Beledweyne

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle MCali Guudlaawe Xuseen ayaa Magacaabay Gudi Baaris ku sameeya Dilka Taliyihii Saldhiga Booliiska Degmada Beledweyne Allaha u naxariistee Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdege).

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa lagu sheegay in markii uu arkay talo soo jeedinta Hay’adaha Amniga Hir-Shabeelle, isla markaana uu garoowsaday in laga maarmaan ay tahay baaris lagu sameeyo dilkii Taliyihii Booliska Beledweyne uu Magacaabay Xubnaha guddiga baarista oo kala ah.

1: Gaashaanle Maxamed Cabuqaadir Maxamed oo ah kuxigeenka xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, kaas oo guddiga looga dhigay Guddoomiye.

2: Gaashaanle Sare Xasan Dhicisow Xasan oo ah Taliyaha Booliska Hir-Shabeelle oo guddiga looga dhigay Guddoomiye kuxigeen.

3: Gaashaanle Sare Isaaq Cali Cabdulle oo ah Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Xubin.

4: Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay oo ah Taliyaha Guutada 5aad ee qeybta 27aad Xubin.

4: laba Xidigle Colaad Cabdullaahi Dalabeey oo ah Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan Xubin.

5: laba Xidigle Muuse Salaad Wehliye Xubin.

6: laba Xidigle Xuseen Axmed Maxamed Xubin.

Xubnaha Guddigaan uu Magacaabay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa laga sugayaa baarista dilkii loo geystay Taliyihii Saldhiga Booliiska Degmada Beledweyne Allaha u naxariistee Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdege).

Related posts

“Dilka, Dhimashada Iyo Laascaanood Oo In Kamidi Ay Burburtay Wax Laga Seexan Karo Maaha…” Prof Axmed Ismaaciil Samatar

Bnnstaff Bnnstaff

Abwaan Ku Jare Oo Si Adag U Dhaliilay Qudbadii Madaxwayne Muuse Biixi Ee Shirka Kulmiye

Bnnstaff Bnnstaff

Dhimasho Iyo Dhawaac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Deegaanka Xaawa Cabdi Ee Duleedka Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More