WFP Oo Ballan Qaaday Inay Si Deg-Deg Ah Uga Jawaabeyso Codsi Uga Yimid Jubbaland

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya Elkhidir Daluum.

Wasiirka iyo Elkhidir Daluum ayaa ka wada hadlay abaaraha ba’an ee ka jira deegaanada jubbaland iyo sidii hay’adda WFP gacan weyn ugu geysan lahayd gurmad deg deg ah oo loo sameeyo dadka ay abaarta saameysay.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa hoosta ka xariiqay in si gaar ah diirada loogu saaray kulanka xoojinta iskaashiga wasaaraddu ay la leedahay hay’adda WFP iyo sida loo sii ballaarin karo wada-shaqaynta labada dhinac.

Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya Elkhidir Daluum ayaa dhankiisa balan qaaday taageero deg deg ah in ay siinayaan qoysaska ay abaartu saameysay iyo ka jawaabida abaarta iyo saamaynta bulsho ee xaaladaha deg degga ah.

Related posts

Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Ka Hadlay Loolanka Adag Ee Shir Gudoonka Iyo Xildhabaan Uu Sheegay In Lagu Shir Qoolay Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Tigreega Oo Xoog Ku Galay Xarun Ay Leedahay Qaramada Midoobay, Bililiqana U Geystay

Bnnstaff Bnnstaff

Filim Somaliya Laga Matalay Oo si Weyn Looga Daawaday Kuuriyada Koonfureed

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More