Borama News Network

Xisbiga ugu wayn Mucaaradka Turkiga oo Guullo ka gaaray Doorashooyinkii Dowladaha Hoose.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u socdaalay deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug si uu u dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee xooggiisa ka socda deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa ku biiraya Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ay wehliyaan mas’uuliyiin heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed.

Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay ku howlanaayeen abaabulka soo dhawaynta wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee tagaya qaar kamid ah Magaalooyinkii ‘AS’ horay looga qabsaday.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan, wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu qorshuhu yahay in ay tagaan Magaalooyinka Dhuusamareeb, Ceeldheer iyo Xarardheere oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud & Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Related posts

” Waxaanu U Adeegaynaa Ilaa Muwaadin Kastaa U Codaynaayo…” Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka

Abdiaziz Bnnstaff

Khasaare xooggan oo ka dhsahay isku dhac dhex maray ciidamda Suuriya iyo kuwo daacad u ah Assad

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Wadani Iyo Xasan Sheekhba Waxay Rabaan In Aan Somaliland La Ictiraafin” Wasiir Buuni

Abdiaziz Bnnstaff