Is Rasaaseyn Khasaaro Geysatay Oo Ka Dhacday Degmada Cabudwaaq Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Is rasaseynta oo u dhaxeeysay Ciidan kamid ah kuwa ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Maleeshiyo Beeleed hubeysan ayaa xalay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Israsaseentan ayaa ka dhalatay kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay dalbadeen in lasiiyo qori iyo gaari ay wataan Ciidanka ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo ay Milkiyadiisa sheeganayaan taas oo khilaaf badan kadib isku badashay in la is rasaaseeyo.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in is rasaaseynta ay ku dhaawacmeen laba qof oo mid Shacab ah iyo Taliyaha Ciidamada kamid ah ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug, kaas oo lagu Magacaabo Cabdi Naasir Timaweyne.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay Maxkamadda degmada Cabudwaaq ayaa laamaha amniga Galmudug iyo kuwa Federaalka Amar maxkamadeed lagu siiyey in ay soo qabtaan kooxdii weerarka ka geysatey Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Caabudwaaq.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soi gaaraya degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka, Gaadiidka & Ganacsiga uu yahay mid caadi ah.

Related posts

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka War Ka Soo Saaray Madaxtaabashada Urarada Siyaasada Iyo Doorashooyinka

Bnnstaff Bnnstaff

Ardayda Kuliyada Beeraha Ee Jaamacada Eelo Oo Soo Bandhigay Cilmi Baadhis Ay Sameeyeen

Bnnstaff Bnnstaff

“Maxkamad Ha La Soo Taago Wasiir Cabdilaahi Abokor.”Ehelka Marxuum Sh Cali Warsame

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More