Waftigii Madaxwayne Deni Ee Ku Sii Socday Magaalada Boosaaso Oo Qarax Lala Beegsaday

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ah ayaa waxaa lala beegsaday wafdiga Madaxweynaha Puntland, xilli ay sii galayeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah Magaalada Boosaaso ayaa qabsaday Gaari kamid ah kuwa la socday Wafdiga Madaxweynaha Puntland, xilli ay marayeen aga-gaarka Ex-Kaantarool oo ah afaafka hore Magaalada Boosaaso, waxaana ku dhintay laba Askari Afar kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaar kamid ah Ciidamada la socday wafdiga Madaxweynaha Puntland ay fureen rasaas farabadan taas oo aan weli la xaqiijin khasaaraha ka dhashay.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa inta uu tegin Boosaaso safar dhinaca dhulka ah uga ambabaxay Magaalada Carmo ee Gobolka Bari, waxaana halkaasi u tegay arrimo la xiriira doorashooyinka Golaha Shacabka.

Related posts

Xoghayaha Guud Ee QM António Guterres Oo Ka Hadlay Doorashada Somalia

Bnnstaff Bnnstaff

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Isbitaalka TB-da Ee Magaalada Boorama

Bnnstaff Bnnstaff

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Somaliya Mahdi Guuleed Oo Kusii Jeeda Magaalada Garoowe

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More