Dowladaha Soomaaliya Iyo Talyaaniga Oo Ka Wada Hadlay Iskashi La Xidhiidha Duulimaadyada

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi, waxayna kawada hadleen iskaashiga ka dhexeeeya Dawladdaha Talyaaniga iyo Soomaliya sidii loosii xoojin lahaa gaar ahaana dhanka duulimaadyadda.

Ugu horayn Danjire Alberto Vecchi ayaa Wasiir Duran Axmed Faarax warbixin ka siiyay hawlaha horumarinta duulimaadyadda Soomaaliya ee dawladda Talyaaniga gacanta ka gaysato.

waxaa uu sheegay in dawladda Talyaaniga ay ku faraxsan tahay wada shaqaynteeda wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka XFS ayaa uga mahad celiyay dawladda talyaaniga iskaashigeeda ay la leedahay wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka ah,

Ugu dambayn Wasiirka ayaa sheegay in Hay,adaha Talyaaniga ee wada shaqaynta la leh Hay’adda duulita rayidka uu ku faraxsan yahay sida ay wada shaqaynayaan, waxaana hay’adahaas ay ka caawiyaan sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay shacabka Soomaaliyeed siiso SCAA.

Related posts

Yaa Soo Saara Gaaska Dunida Ugu Badan, Yaa Se Isticmaalkeeda Ugu Badan

Bnnstaff Bnnstaff

Qarax Lala Beegsaday Mas’uuliyiin Iyo Wariyeyaal Oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin:- Dhalinyaro Hirgaliyay Agab Fududaynaya Adeegyo Dhib Badan Laga Mudan Jiray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More