Madaxwayne Biixi Oo Kulan La Qaatay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku joogay dalka Jabbuuti, ayaa waxa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada madaxweyne, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, fududaynta isu-socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada shacbi, ee walaalaha ah.

Waxaana kulankaa ku wehelinaayey madaxweyneyaasha dhinaca Wefdiga Somaliland wasiirrada Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Ganacsiga, dalxiiska iyo wershadaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka, Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Dhinaca Jabbuuti waxa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, M Siciid Nuux Xasan, wasiirka Ganacsiga Mudane Maxamed Warsame Diiriye, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Isgaadhsiinta, Mudane Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Almis Maxamed Cabdilaahi.

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Halis Ugu Jirta In Laga Joojiyo Hanaanka Dayn Cafinta Iyo Sababta

Bnnstaff Bnnstaff

Beesha Caalamka Oo Walaac Xoogan Ka Muujisay Xaalada Bini’aadantimo Ee Magaalada Guriceel

Bnnstaff Bnnstaff

“Barkhad Soo Saaristiisu Waa Halka Aynu Socono In Somaliland Isbedel Lagu Sameeyo” Sheekh Aadan Siiro

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More