Madaxwaynaha Maamulka Jubaland Oo Sheegay In Deegaanada Jubaland Ay Ka Jirto Abaartii Ugu Darnayd

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeybgalay shir Weynaha Qaran ee gurmadka abaaraha oo lagaga hadlayay tageerada dadka ay saamaysay abaarta ka jirta dalka, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Jubbaland ay kamid tahay meelaha abaarta ugu daran ay ka jirto gaar ahaan dhulka ka fog wabiga Jubba kuwaas oo gargaar deg deg ah u baahan isla markanaa Jubbaland ay gurmadka wado balse loo baahan yahay taakulo dheeraad ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in gurmadka beesha caalamka uu mar walba yahay mid soo daaha oo si joogto ah aan uga jawaabi karin baahiyaha deg dega ah sidaas darteedna loo baahan yahay in soomaalidu ay isku tashato oo Ganacsatada, Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo cid walba oo wax awooda ay ka qeyb qaadato gurmadka socda.

Waxaa Madaxweynahu uu xusay in abaaraha iyo fatahaada soo noq noqday ay u baahan yihiin xal waara oo loo sameeyo bulshooyinka xoolo dhaqato beeraleeyda ah ee jiinka wabiyada iyo dhulka ka fog ilaha biyaha ku nool kuwaas oo sanadka wakhti kamid ah wajaha fatahaado halka wakhtiyada qaara ay lasoo daristo abaar aad u daran.

Related posts

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dil Ka Dhacay Magaalada Baraawe Iyo Maamulka Magaaladaasi Oo Ka Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Shaaciyay Wakhti Ay Xidhmayso Qabashada Araajida Murashaxiinta

Bnnstaff Bnnstaff

Hay’adaha Saadaasha Hawada Oo Ka Digay Kuleyl Daran Oo Ku Soo Wajahan Qaar Kamid Ah Wadammada Yurub

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More