Wax Ka Ogow Shirkadda Shidaalka Ee Soomaaliya La Xaxiixatay Heshiiska Muranka Dhaliyay

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay inay heshiis dhanka wax soo saarka shidaalka ay la galeen shirkadda Costline Exploration ltd. Waxaa heshiaaskaasi si kulul uga horyimid xafiiska madaxweynaha iyo Ra’iisalw asaaraha taasoo dhalisay jahwareer ku aada cidda la geyd wasiirka heshiiskan. Warbixintan waxana ku eegeynaa shirkadda xuddunta u ah heshiiska lagu muransan yahay.

Maxaan ka ognahay shirkaddan cusub
Shirkadda Coastline Exploration waxaa la aasaasay sannadkii 2018-kii iyadoo ujeeddada weyn ee shirakddana ay ahayd in bariga Afrika ay ka sameyso baaritaanada iyo qodista shidaalka ka dib markii saliid iyo gaas laga helay Kenya iyo Uganda.

Shirkadda waxaa sidoo kale dhiirogeliyay gaaska laga helay xeebaha Tansaaniya iyo Mozambique. Waxay aaminsan tahay inay gobolka uu ku jiro gaaska laga helo badaha.

Jacob Shields Ulrich ayaa madaxa ka ah shirkadda, waxa uuna horay u madax uga soo noqday shirkadda Chairman of Sterling Resources Ltd waxa uu jagadaasi hayay bishii June ee 2013-kii bilowgii sannadki 2017-kii.

Qoraal la soo dhigay bogga ay shirkaddan ku leedahay internetka aya alagu sheegay in shirkadda ay kala sahqeysa dalalka bariga Afrika sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen kheyraadka ceegaaga biyo-dhuleedkooda.

Heshiiska Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration
Shirkadaan oo aad u daneysa inay baarto saliida gobolka Geeska Afrika ayaa heshiisyo muran hareereeyay la saxiiixatay wasaaradda batroolka iyo macdanta Sooomaaliya kaas oo ogolaanaya inay shidaal ka baarto gunta hoose ee biyaha Soomaaliya.

Richard Anderson, oo ah madaxa fulinta xeebaha ee shirkadda Coastline Exploration Limited ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska ay la galeen wasaaradda batroolka iyo macdanka ee xukuumadda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxaa ku yaalla ceelal dihan oo aad u badan, kuwaas oo aan weli la sahmin, kuna yaalla biyaha kulul ee adduunka, waxaa sharaf iyo farxad noo ah inaan qayb ka noqonno horumarinteeda mustaqbalka,” ayuu yiri Madaxda shirkadda ay heshiiskaan la gashay wasaaradda batroolka.

Waxuu intaas ku sii daray, “Dowladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shidaalka ayaa waqti iyo juhdi badan ku bixiyey sidii dalku u heli lahaa kaabayaal sharci iyo maamul oo ku habboon in lagu taageero baarista shidaalka iyo gaaska, iyadoo la meel marinayo sharciga Shidaalka, ansixinta heshiiska Dakhliga qeybsiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah iyo in la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed si ay taageero joogto ah ugu bixiso kobaca la filayo.”
Dhanka kale, wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa 19-kii bishan bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay inay heshiis dhanka wax soo saarka shidaalka ay la galeen shirkadda Costline Exploration ltd.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan iclaamiyo inaan saxiixnay Heshiis Wax Soo Saar Wadaag 7 xirmood ah la galnay shirkadda Costline Exploration ltd. Waa guul usoo hoyatay Ummada Soomaaliyeed. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyaha JFS oo igu garab siiyey iguna tirtirsiiyey dhammaystirka hawshan.”

Inkastoo markii dambe ay gaashaanka u daruureen xafiisyada madaweynaha iyo raysal wasaarahaba iyagoo ku tilmaamay inuu heshiiskaasi yahay mid sharci darro ah.

Maxaan ka ognahay xirmooyinka shidaalka ee ku xusan heshiiska muranka badan dhaliyay?
Injineer Cabdikadir Abiikar Xuseen oo horay la-taliye sare ugu ahaa wasaaradda batroolka ee Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska uu markii hore ahaa mid aan dhameystirneyn oo aan ka shaqeyneynin danaha Soomaaliya.

Wuxuu sidoo sheegay in xitaa Maamul Goboleedyada aysan waxbo kala socon heshiiska.

Cabdiqaadir oo BBC-da wax ka weydisay xirmooyinka uu ku khuseeyo heshiiska muranka badan dhaliyay ayaa sheegay in xirmooyinka ay tahay in baaris lagu sameeyo si loo ogaado baaxadda ceelasha shidaalka.

“Toddobadaas xirmo, saddex Galmudug baddeeda ah iyo xirmo oo ku aadan agga Xamar ilaa Baraawe ilaa Marka iyo saddex xirmo oo Jubaland ah..marka waa in la hubiyo in shidaal uu ku jiro oo ceel laga qodo..ceelashaas baa caddeynayaa haddba inta uu la egyahay shidaalka”
Goormaa ayay bilaabatay sahminta iyo qodista shidaalka Soomaaliya?
Shidaalka iyo gaaska laga baarayo Soomaaliya waxa uu bilowday 1950-meeyadii. Ceelkii ugu horreeyay ee sahaminta waxa laga qoday Somaliland horraantii 1950-aadkii, waxa ku xigay ilaa 60 ceel oo la sahmiyay 1950-kii ilaa 1980-kii waxaana la qoday afar ceel oo keliya. Ma jiraan ceelal shidaal oo la qoday tan iyo 1991-dii dagaaladii sokeeye ka dib.

Dhismihii dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee 2012-kii ka dib, waxaa dib u billowday hawlihii sahminta.

Jiilaalkii 2014/2015, waxaa la soo gebagebeeyey sahamin ballaaran oo ah 2D oo laga sameeyay xeebaha Soomaaliya ee u dhexeeya Kenya iyo Puntland. Tani waxay ahayd hawshii ugu horreysay ee sahminta shidaalka iyo gaaska tan iyo bilowgii dagaalka sokeeye.

Dhibaatooyinka dalal badan ay ka dhaxleen shidaalka
Shidaalka oo la ogyahay in qiima sare uu ka joogo suuqyada caalamka, dalal badan na dhaqaale ahaan ay ku horumareen ayaa waxaa sidoo kale la ogsoon yahay in uu colaad iyo dhibaato horleh u horseeday dalal ay kamid yihiin labada Suudaan, Nigera iyo Ciraaq oo tusaale loo soo qaato dalalka ay dhiabaatada ugu badan kasoo gaartay dhibaatooyinka laga dhaxlo kheyraadka dabiiciga oo aan si wanaagsan loo qeybsanin.

Related posts

Rooble Oo Si Kulul Uga Hadlay Falkii Lagu Beegsaday Guddoomiye Dhabancad, Digniina U Diray Taliyeyaasha Ciidamada

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Kenya Oo Sheegtay In Saraakiil Ciidan Lagaga Laayay Xaduuda Ay La Wadaagto Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Murashax Ka Soo Jeeda Beesha Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Iska Soo Sharaxay Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More