Dowlada Imaraadka Carabta Oo Mar Kale Deeq Gargaar Ah Ka Soo Gaadhsiisay Magaalada Muqdisho

Dowladda isutagga Imaaraadka Carabta ayaa mar kale maanta diyaarad siday gargaar kala duwan waxaa ay ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda gargaarka iyo Guddiga abaaraha oo ay hoggaamineysay wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Shukri Maxamuud Afrax ayaa Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Axmed Alcuthman ka guddoomay deeqda gargaarka ah.

Safiirka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deeqdaan ay qeyb ka tahay gurmadka ay dowladda Imaaraadka Carabta ku caawineyso dadka Soomaaliyeed ee Abaartu saameeysay.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Shukri Maxamuud Afrax ayaa uga mahad celisay Dowladda Imaaraadka Carabta & Ra’iisul Wasaaraha dadaalkooda ku aadan sidii loo samata bixin lahaa dadka Soomaaliyeed ay saameeysay Abaarta.

Waxaa ay ugu baaqday dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa awooda inay walaalahood Abaadta saameeysay ay ka qeyb qaataan sidii loogu gurman lahaa.

Tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ka raali geliyay Imaaraadka Carabta lacagtii loogala wareegay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde sanadkii 2018-kii waxaa ay soo daabuleyeen deeq kala duwan oo ay uga qeyb qaadanayaan gurmadka abaaraha.

Related posts

Gudoomiyaha Xisbga Wadani Oo Shimbarayahaw Heesa Ku Tilmaamay Qudbadii Madaxwayne Muuse Biixi Ee Maanta

Madaxwayne Qoor Qoor Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Waftiga Ay IGAD U Xilsaartay Xal U Helida Khilaaf ka Kenya Iyo Somaliya Oo War Soo Saaray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More