Madaxwayene Farmaajo Oo War Ka Soo Saaray Qaraxii Maanta Ka Dacay Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Cabdinaasir Xaji Axmed oo ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa xusay in Sheekh Cabdinaasir ahaa daaci weyn oo lafdhabar u ahaa fidinta diinta islaamka iyo ilaalinta caqiidada suubban ee ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in falkaas arxandarrada ah uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu duullaan ugu tahay diinta islaamka iyo nolosha haldoorka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo argagixisada cadowga ku ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed ay ku dhishay magaalada Kismaayo. Sheekh Cabdinaasir waxa uu ahaa daaci weyn oo noloshiisa oo dhan u huray fidinta diinta islaamka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyey culimada iyo muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah.

Related posts

“Somaliland Waxa Ku Habsatay Masiibo Siyaasad Xumo Iyo Hogaan Xumo Ah “Xildhibaan Siciid Cudhay.

Bnnstaff Bnnstaff

“Somaliland Waxaa Waalaya Waa Nin Xilka Laga Qaaday Uun” Saleeban Xasan Xadi

Bnnstaff Bnnstaff

Kulan Lagaga Tashanayo Xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Borama Oo Maanta Borama Lagu Qabtay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More