Dawladaha Reer Galbeedka ayaa cuno qabtayno dhawr ah waxay kusoo rogeen dalka Ruushka.
Dawladaha Maraykanka, Ingiriiska, iyo Jarmalka ayaa imika cuno qabatayno dhinacyo kala duwan taabanaysa kusoo rogay Ruushka, waxayna beegsadeen hanaanka dhaqaalaha, shakhsiyaadka hantiada badan ee dalkaas iyo nidaamka maal gelinta ee Reer Galbeedka ee gudaha Rusuhka.
Wadamada Japan, Canada iyo Austaralia ayaa iyaguna soo raacay waxayna qayb ka yihiin cuno qabatayn kasta oo Maraykanka iyo xulafadiisa oo ay ku jiraan ay soo rogaan.
Saamiyada shirkadaha qaar ayaa dhulka galay, shidaalka ayaa qaaliyoobay iyadoo maal gashiga Ruushku uu hoos u dhacayo, kadib warka cuno qabataynta.
Waxa la hakiyay kulamo ay maanta yeelan lahaayeen wasiirada arimaha dibadda ee Ruushka iyo Maraykanka, iyadoo sidoo kale amdaxweyne Joe Biden uu diiday in uu la kulmo dhigiisa Ruushka Vladamir Putin.
Xiisadda Yukrayn ayaa gaadhay halkii ugu saryasay iyadoo aan la ogayn tallaabooyinka xiga ee dhinacyadu ay qaadi doonaan.