Guddiga Xallinta Khilaafaadka Oo Fasaxay Kursiga Uu Kusoo Baxay Fahad Yaasiin

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa fasaxay lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo doorashadoodu maalmo kahor ka dhacday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu sheegay in kuraastan lixda oo uu ku jiro kursiga uu kusoo baxay Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin ay fasax yihiin .

Guddiga Khilaafaadka ayaa caddeeyay in kuraastan ay fasaxeen dhammaantood aysan jirin wax cabasho rasmi ah oo ka timid ama laga diiwaan-geliyay, muddada ugu qoran Guddiga habraacooda, isla markaana ay fasax yihiin kuraasta doorashadoodu la qabtay.
Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa horey u hakiyey qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP86 oo uu kusoo baxay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana hore ugu fadhiyey kursigaas Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Related posts

Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Go’aanka Ka Soo Saaray Khilaafka Biyo Xidheenka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Wiil Yarr Oo Riwaayad Qosol Ah Sameeyey In La Xidho Waa Ceeb” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Bnnstaff Bnnstaff

Qaar Ka Mid Ah Dalalka Reer Yurub Oo Hakiyay Talaalka Cudurka Covid 19 Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More