Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga Oo Maanta Dhaceysa Iyo Waddooyinka Oo Loo Xidhay

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ayaa Maanta oo jimco ah waxaa lagu qabanayaa doorashada shanta Xildhibaan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee metalaya Beelaha Banaadiriga.

Guddiga Maamulka Doorashada Banaadiriga ayaa diiwaan-geliyey Musharixiin dooneysa inay u tartamaan shanta kursi ee Xildhibaanada Banaadiriga, isla markaana la siiyay shahaadada Musharaxtinimo, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashada.
Doorashadan ayaa waxaa kuraasta tirsigoodu kala yihiin HOP#266, HOP#105, HOP#034, HOP#265 iyo HOP#084, waxaana dhammaan dadka ku fadhiyey kuraastan ay Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ku metalayeen Beelaha Banaadiriga.

21-kii bishaan Febraayo ayaa lagu waday in la qabto doorashada, balse Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hakiyey doorashada, kadib markii cabasho ka timid qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka kursi tirsan kuraasta Beelaha Banaadiriga, iyadoona xal laga gaaray arrintaas.

Dhinaca kale Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta xiray waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, sababo la xiriira doorashada Maanta ka dhaceysa Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Related posts

Raysal Wasaaraha Pakistan Oo Mas’uulkii ka Horeeyay ku Eedeeyay inuu Somaliya Dhibaato ku Eegay

Bnnstaff Bnnstaff

Wiil Reer Buuhoodle Ahaa Ee Sameeyay Diyaarada Macmalka Ahaa Oo Lagu Casuumay Bandhig Ka Dhacay Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

Mushkilada Ugu Wayn Ee Somaliland Waa Golaha Wakiilada Oo Shaqadoodii Ka Seexday” Xildhibaan Maxamed Abiib

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More