Madaxweynaha Dalka Ukraine Oo Dowladda Ruushka Ka Dalbaday Xabbad Joojin

Hoggaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo farriin muuqaal ah la wadaagay labada shacab ee Ukraine iyo Ruushka ayaa Ruushka ka codsaday inuu xabbad joojin sameeyo.

“Ruushka waa inuu hadda iyo hadhoowba nagala hadlaa sidi loo joojin lahaa duullaanka uu soo qaaday,” ayuu yiri Hoggaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelensky

“Wadahadal degdeg ku billowdana wuxuu noqonayaa mid yareeyo qasaaraha Ruushka soo gaari lahaa.”
Wuxuuna intaa ku daray “Ilaa weerarrada Ruushka ay ka joogsanayan iney iyagu dalkooda difaacanayaan.”

Madaxweyne Volodmyr wuxuu sheegay xalay inuu Ruushka sii kordhiyey duqeymaha caasimadda uu ku hayo.

Isaga oo sheegay inu diyaar u ahayn inuu caasimadda uu ka tago isaga oo og inuu yahay bartilmaameedka koobaad ee Ruushka.

Related posts

“Ma Jirti Sabab Somaliland Ictiraaf Lagu Siiyo Mana Helayaan” Wasiirka Warfaahinta Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

Toos Dabaal Dega 26ka Jube Oo Ka Socda Madaxtooyada Somaliland Ee Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaallo Culus Oo Mar Kale Ka Dhacay Magaalada Caasimada Ah Dalka Sudan Ee Khartuum

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More