Faah Faahin Kasoo Baxeysa Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Puntland

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo xalay ka dhacay afaafka laga galo Magaalada Qardho ee xigta dhinaca Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, shilkaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkaan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu ahaa nooca raaxada ah, xili ay iskaga horyimideen meel ku dhow Magaalada Qardho ee xigta dhinaca Magaalada Garoowe.
Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku geeriyooday shilkaas dhacay, halka ay ku dhaawacmeen laba qof kale oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga, isla markaana waxaa durbadii dadka dhaawacmay loola cararay Xarun Caafimaad.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland Col. Cabdifitaax Siciid Saleebaan (Afrikaan) ayaa sheegay in shilkaas uu khasaaro dhaliyey, ayna wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan sababta dhalisay shilkaas dhacay.

Si kastaba deegaano iyo degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxaa marar kala duwan sidaan oo kale uga dhacay shilal sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan loo sababeeyaan gaadiidka oo xawaare dheereeya lagu wado…

Related posts

Hogaankii Xisbiga Kulmiye Oo Dib Loo Doortay Iyo Muuse Biixi Oo Balan Qaadyo Sameeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Gudida Qandaraasyada Somaliland Oo Bandhigay Mashaariic Cusub Oo Loo Tartami Dooni

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Ka Jiraa In Turkiga Uu Soomaaliya Siinayo Diyaaradaha Drones-Ka Ah?

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More