Xaakiim Maraykan Ah Oo Aamray In La Siidaayo Soomaliyad Ku Eedaysnay Alshabaab

Garsoore federal oo Mareykan ah Michael Davis ayaa Khamiistii amray in xabsiga laga sii daayo haweeney 73 jir Soomaali ah oo sanadii 2011 xabsigi loogu xukumay inay taageero siisay kooxda Al-Shabaab.

Xaawo Maxamed Xasan ayaa qorshuhu ahaa in lasii daayeo bisha Janaayo ee 2021, hase yeeshee garsoore Davis ayaa sheegay inay u qalanto in goor hore lasii daayo, sababo ay ka mid yihiin xaaladdeeda caafimaad oo sii xumaaneysa iyo faafitaanka cudurka COVID-19.

Waxa uu sheegay in Xaawa ay qabto cuduro dhowr ah oo dhiig-karka uu ka mid yahay.

“Eedeysanaha waxay ku doodday in xaaladahan caafimaad ay yihiin halis muuqata oo sare u qaadi kara in nolosheeda ay halis gasho haddii uu ku dhaco cudurka COVID-19,” ayuu yiri garsoore Davis.

Davis ayaa sidoo kale ku dooday inay u badan tahay inaysan dib u gelin dambigii horey loogu xiray marka la eego da’deeda.

Xaawo ayaa waxa ay ku xiran tahay xabsiga Hazelton ee gobolka West Virginia.

Xaawo, oo ah muwaadin Mareykan ah, iyo Aamina Faarax Cali ayaa 2011 lagu helay dambi ah inay taageero siiyeen kooxda Al-Shabaab, ayaga oo lacag ka ururiyey magaalada Rochetser ee gobolka Minnesota.

Xaawo ayaa waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, halka Aamin lagu xukumay 20 sano.

Kiiska Xaawo ayaa sanadii 2011 noqday kiis aad looga hadaly hayey warbaahinta Mareykanka, ayada oo lasoo bandhigay codad looga duubay taleefonka oo ku caddeynaya dambiyada lagu soo oogay.

Related posts

Aqalka Cad Ee Maraykanka Oo ka Waramay Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Caafimaadka Madaxweyne Trump

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Suudan Oo Masar U Dirtay Dalab La Xidhiidha Xalinta Khilaaf Taagan

Bnnstaff Bnnstaff

Waraysi Xasaasiya:- ‘Dawladu Way Ogtahay In Reerkaygu Mucaarid Yahay Waajib Nagumaha Inaan Codka Siino Kulmiye” Wasiir Siciid Sulub

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More