Saraakiisha ammaanka qaranka Mareykanka ayaa waxa ay ku warrameen in Iiraan ay mas’uul ka aheyd email-lo hanjabaad ah oo loo diray codbixiyayaasha Xisbiga Dimuqraadiga.
Email-lada ayaa waxa ay u muuqanayeen inay ka yimaadeen kooxda midig-ta fog ee gacansaarka la leh Trump, waxaana loogu talagalay in “deganaanshiyo la’aan” lagu horseedo, Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Qaranka Mareykanka John Ratcliffe ayaa sidaasi sheegay.
Mr Ratcliffe ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha Mareykanka ay ogaadeen in Iiraan iyo Ruushka ay heleen “qeyb ka mid ah xogta diiwaanka codbixiyaha”.
Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa iyadoo 13 maalmood uun ay ka harsan tahay doorashada madaxtinimada.
Xogtan sirdoonka ee aan caadiga ahayn ee la shaaciyay iyadoo doorashada ay sidaas u soo dhawdahay ayaa waxaa loo arkaa inay caddayn u tahay walaaca dowladda ay ka qabto codbixinta la soo farageliyo iyo in olole marin habaabin ah oo ay baahiyaan kooxo shisheeye.
Mr Ratcliffe ayaa sheegay in “email-lada khiyaanada ah” ee Iiraan loo saariyay inay soo direen kooxda Proud Boys si “loogu hanjabo codbixiyayaasha, loo dhiirigeliyo deganaanshiyo la’aan iyo in khasaare la gaysto” Madaxweyne Donald Trump.
Waxa uu intaas ku daray in xogta codbixiyaha ay suuragal tahay in loo isticmaalo in la isku dayo in “xog been ah loo gudbiyo codbixiyayaasha diiwaangashan, taas oo ay rajaynayaan inay horseeddo wareer iyo qalalaase, sidoo kalana ay waxyeeleeyaan kalsoonida aad ku qabtaan dimuqraadiyadda Mareykanka”.
Mr Ratcliffe ayaa sheegay in saraakiishu “aanay falal noocaasi oo kale ah ka arag Ruushka”, hasayeeshee ay ka warhayaan inay hayaan qeyb ka mid ah xogta codbixiyayaasha.
Gobollo badan oo Mareykanka ka tirsan, xogta codbixiyaha ayaa waxaa lagu heli karaa in la codsado oo kaliya, walow gobolkasta uu leeyahay shuruudo u gaar ah oo lagu xiro cidda codsan karta xogta codbixiyaha, xogta la heli karo iyo sida xogtaas loo isticmaali karaba, sida ay sheegayso hay’adda qaran ee sharci-dejinta gobollada.
“Haddii aad heshid email hanjabaad ah ama xog been ah ku siinaya, ha walwalin hana faafin,” ayuu yiri Mr Ratcliffe, isagoo tallaabooyinka lagu doonayo in lagu farageliyo codbixiiyayaasha Mareykanka ku tilmaamay “iskudayo loo caal waayay oo ay wadaan cadow quus taagan”.
Agaasimaha FBI-da Christopher Wray oo Mr Ratcliffe ku wehlinayay shirka jaraa’id ayaa sheegay in hannaanka doorashada ee Mareykanka uu weli yahay mid ah ammaan ah oo “adag”.
“Waa inaad kalsooni ku qabtaa in codkaaga uusan halaabayn,” ayuu yiri Mr Wray.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com