Muxuu Xidhashada Dharka Dhaqanka Uu Wax Lagu Faano Uga Yahay Itoobiya?

Muddo aan sidaa u sii fogeyn, Oromada ku dhaqan Itoobiya, in kasta oo ay yihiin qowmiyadda ugu tirada badan dalka, waxay ka gaabsadeen inay muujiyaan amaba banaanka soo dhigaan dhaqankooda iyo waxa u gaarka ah qowmiyadooda.

Arrintaas waxay gaartay xitaa inaysan ku hadlin afkooda gaarka ah iyagoo ka cabsi qaba in lagu dhaleceeyo inaysan u hogaansamin mabaadida qaran.

Laakin xaaladda siyaasadeed ee sii xumaaneysay tobbankii sano ee lasoo dhafay ayaa waxay dhiragelisay dhalinyarada oromada ee doonaya inay soo bandhigaan hankooda dhaqan waxayna sidaasi ku muujiyeen labis.

Bandhigga debaaldegga mahadcelinta ee sanadlaha ah ee Oromo ee Irreecha loo yaqaano ayaa dhalinyarada waxay u arken fursad ay kusoo bandhigi karaan lebis cusub.
Xaaladaha qaarkood, naqshadeeyayaasha, sida Antiko, waxay soo qaatan maryaha dhaqanka kadibna way casriyeynayan.

Gaduudka , madowga iyo caddaanka ayaa isla markiiba loo aqoonsan karaa inay yihiin midabada Oromada halka ragga sawirka kore ku yaal ay ku labisan yihiin dhar hiddaha iyo dhaqanka u eg oo dharka madaxa la gashado, jaakadaha dhaadheer ee haweenka ayaa ah kuwo la qabsanaya dharka dhaqanka.

Ulaha waxaa loo yaqaan siinqee, kuwaas oo qayb ka ah dhaqanka caawisa ilaalinta haweenka bulshada.
Dharkaan oo ay naqshadeysay Kush ayaa laga arkaa qaababka iyo midabbada dhaqanka Oromada.

Sawir qaade Elias Badhaasaa wuxuu aad u jeclaa in uu soo qaado sawiradan si uu dhaqankiisa u soo bandhigo oo aad ugu baaho bulshooyiinka kale.

“Waxaan arkayay dhaqamada qowmiyadaha kale ee inta la sawiro lasoo bandhigayo balse kuwa dhaqankayaga lama soo bandhigeenin”. Sidaasi ayuu u sheegay BBC-da.

Sidaa darteed, waxaan bilaabay inaan isweydiiyo, maxaan u horumarineynin kuweena, waxaan rabaa inaan ka dhex muuqano Geeska Afrika iyo wixii ka baxsan.
Gobolka oromiya waxaa uu ka koobanyahay dhul baaxad leh ee dalka itoobiya waxaana ku nool qowmiyado badan oo dhaqamo kala duwan leh.

Matalan sawirkaan kor ku xusan , gabdhahan u waxay gacanta ku hayaan dambiilo laga keenay bariga Oromiya, laakiin dunta dhexda uga xiran labiskooda , waxaa naqshadayay xaruunta dharka dhaqanka ee Yoomiyyuu, ee koonfurta gobolkaasi.

Dabbaaldegga ‘Irreecha’ caadiyaan wuxuu soo jiitaa malaayiin qof, laakiin sannadkan, xannibaadaha lagu soo rogay cudurka safmarka ee ‘coronavirus’ awgiis, tirada dadka ee bay xafladdan caasimadda, Addis Ababa, kaga soo qaybgalay aad ayay u yarayd.

Tani waxay ahayd markii labaad ee xafladda lagu qabto magaalada cassimadda, taas oo ka tarjumeysa sumcadda qaran ee xafladdan ee hadba soo kordheysa.
Haweeneyda gacanta ku sidatausha Sinqee ee sawirkan waxay ku labisantahay dhar dhaqameedka asalka ah ee oromada, hase ahaate dumarka kale ee agteeda tagaan waxay ku labisanyihiin maryo cusub oo ka tarjumaya dharka cusub ee la naqshadeeyay.

Waxaa kale oo dadka so jiidanaya geedka ”odaa” oo ah geed dhaqankoda taarikh weyn ku leh oo hadda noqday astaan u gaar ah Oromada.
Afar sano kahor 55 qof ayaa dhintay kadib markii iska hor imaad uu dhexmaray booliska iyo dad dibedbaxayay. Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha tirada dadka dhintay ku qiyaasay boqolaal.

Arrintan ayaa waxay horseeday dibedbaxyo ay dhigeen dadka Oromada kuwaas muddo badan ka cabanayeen in dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha lagu gacan bidxayay.

Wixii intaas ka dambeeyay isbadal ayaa dhacay kadib markii uu xukunka lawareegay Raiisul wasaare Abiy Ahmed – oo isagu ah qudhiisa ah Oromo – laakiin xiisaduhu wali waa taagan yihiin.
Ololaha xuquuqda Oromada ayaa dalka dibedissa laga taageray, gaar ahaan dalka Maraykanka.

Sidookale dalka dibediisa sida laga dheehan karo sawirkan laga soo qaaday Minessota waxaa laga dheehan kara in halkaasi gaaay jacaylka loo qabo marayaha dhaqanka.
enakebeki Girma, oo da’deedu tahay 27 sano, waxay naqshadeeysa maryaha waxayna sheegaysa in indaheeda aysanka leexin karin marayihii ugu dambeeyay ee qowmiyadeeda Oromada ee la naqshadeeyo, waxayna ku tilmaamtay wax ”cajaaib” ah, sidookalena in bulshadeeda ay hadda aad ugu faanan.

Waxay hadda doonaysa in maryaha dhaqanka ee Oromada la xirto maalin walbo oo aanan la xiranin xilliyada gaarka ah.

Related posts

Gudoomiyayaasha Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliya Oo Gaadhay Magaalada Garoowe

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Oo Ka Warbixiyay Safar Uu Ku Tegay Dalka Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Oo Saxeexay Dib U Dhigay Ansixinta Dastuurka Dalka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More