Caasimada Dalka Ukraine Ee Kyiv Oo Uu Gabalku Uga Galay Iyada Oo Ay Dagaalo Culus Ka Socdo

Gabalka ayaa u dhacay magaalada Kyiv kaddib markii uu saddex maalmood ka socday dagaal gaaray guud ahaan waddanka Ukraine.

Magaalada ayaa lagu soo rogay bandow uu amray Duqa Kyiv, Vitali Klitschko. Dhaqdhaqaaqa ayaa la xannibay wixii ka billowda shanta galabnimo.

Duqa magaalada ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay farriin uu ku sheegayo in qof walba oo rayid ah oo lagu arko magaalada waqtigaas kaddib loo arki doono “inuu ka mid yahay cadowga taageerayaashiisa”.

Saraakiisha Gaashaandhigga UK ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay magaalada Kyiv u jiraan 30 kiiloo mitir.

Balse madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa weli ku sugan magaalada caasimadda ah waxa uuna farriimo lid ku ah Ruushka kasoo dirayay xafiiskiisa, isagoo ay ku hareereysan yihiin militeriga.

Related posts

Wareysi Gaar Ah: Khilaafka Gudaha Somaliland Iyo Damaca Wadamadda Jaarka Ah! : Mohamed Suufi

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dibaxbaxyadii Shalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Laascaanood Oo La Toogtay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More