Heshiis Ku Sabasan Nukliyeerka Oo Ay Wada Gaareen Ruushka Iyo Mareykanku

Waxaa jirta rajo ah in heshiiskii u dambeeyay ee hubka nukliyeerka ee u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka la kordhin karo ka dib markii Washington ay sheegtay inay dooneyso inay si dhakhso leh u dhameystirto heshiiska.

Heshiiskaan oo la saxiixay sanadkii 2010-kii ayaa xadidayay tirade madaxyada qaada Nukliyeerka.

Balse mustaqbalka wuxuu galay khatar iyadoo ay jiraan xiisado u dhexeeya labada dal oo ku saabsan xakameynta hubka iyo arrimo kale.

Billooyin wadahadallo ah ayaa hadda u muuqda in horumar laga gaaray .

Bayaan ka soo baxay dowladda Ruushka Talaadadii ayaa lagu sheegay in Ruusku uu soo jeedinayo in la kordhiyo heshiiska kaas oo wakhtigiisu ku egyahay bisha Febaraayo ee sanadka soo soo socda.

Mareykanka ayaa horey u diiday wax kordhin kasta .

Waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa soo dhaweysay dalabkan cusub, iyadoo sheegtay inay ku qanacsan tahay “rabitaanka Ruushka ee ah inuu horumar ka sameeyo arrinta xakameynta hubka nukliyeerka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Kumuu Ahaa Hogaamiyihii Itoobiya Ee Dilay Wasiirada Iyo Saraakiisha Ciidamada, Soomaaliyana….

Hindiya Oo Caro Diplomaasiyadeed La Kulantay Ka Dib Aflagaadadii Loo Geystay Islaamka

Bnnstaff Bnnstaff

Dab Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Ceerigaabo Iyo Shacabka Oo Ka Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More